4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo digniin kasoo saartay halista faafitaanka Covid-19
 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa digniin culus kasoo saartay halista faafitaanka cudurka Covid-19 oo mar kale soo labo kacleeyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay, marka loo eego tiro-koob la sameeyay bishaan in ay muuqato in cudurku saaid u faafayo ayna jirto dhimasho horleh.

Drs Fowsiyo ayaa sidoo kale Bulshadda la wadaagtay talooyin muhiim ah oo ah in ay ka dheereeadaan meelaha saxmada leh iyo ku dadaalida nadaafadda iyo in ay Bulshadu isticmaasho Afxirka xiliyada Kulamada, Shirarka iyo Meelaha laga raaco gawaarida.

Maalintii shalay wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 91 qof laga helay cudurka Covid-19, halka afar qofna ay u geeriyoodeen.

Tirada ugu badan ee dadka cudurka laga helay ayaa ku nool magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, waxaana kusoo xiga dowlad goboleedka Puntland.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay diyaarisay qeybo cusub oo lagula tacaalidoono dadka uu soo rito cudurka, waxaana suurtagal ah in xukuumadu soo rogtay awaamiir cusub oo lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]