4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Raysal wasaare Rooble oo furay shirka guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga doorashada
 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Ra’iisul.wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si daacadnimo ah u gutaan shaqada loo idmaday.

Guddigan ayaa shirkooda diirada ku saaridoona xal u raadinta caqabadaha qabsoomidda Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Raysal wasaare Rooble ayaa guddigan ku magacaabay wareegto kadib markii uu qabsoomi waayay shirkii madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay inuu ka dhicidoono Garowe 15-ka february.

Guddigan ayaa ka kala socda dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]