4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Wasiirkii horre ee Difaaca Kenya Senator Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo dhinaca kalana ahaa Senator laga soo doorto magaalada Gaarisga.

Senator Yuusuf Xaaji waxaa geeridiisa u xaqiijiyay warbaahinta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo sheegay in muddo ilaa shan bilood ah uu xanuunsayay Senatarka.

Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca iyo facaweyn dhinaca siyaasadda marka la eego xildhibaannada iyo Seneterda Soomaalida ku matala dowladda Kenya isaga oo muddo dheer ku soo dhax jira siyaasadda dalka Kenya.

Waxaa uu muddooyinkii danbe ka hor inta uusan xannuusan uu hoggaaminayay guddi loo saaray in ay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Alle ha u naxariisteen Maxamed Yuusuf Xaaji  ayaa dhinaca kale caan ku ahaa magaca [ Yuusuf Xaaji ] waxaana uu dhalay Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]