4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Somaliland: Ehelada musharixiin ay dowladu xidhay oo warbaahinta la hadlay
 

Axad, Febraayo, 14, 2021 (HOL)- Ehelada musharixiin  ay dowlada xidhay oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in loo diiday in ay xasbiga ku booqdaan isla markaan ay ka war-war qabaan xaaladooda caafimaad.

Musharixiinta oo lagu kala magacaabo Raage Axmed Yuusuf iyo Maxamuud Axmed Jaamac (Dhadoon) ayaa sideedi (8) bishaan xabsiga la dhigay, kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay ka sharaxanyihiin xisbiga mucaarad ka ah ee UCID, walina xukuumada Somaliland kamay hadal sababta keentay xadhiga labada musharax.

Hadaba ehelada laba musharax oo maanta waraysi siiyay muuqaal baahiyaha HCTV ayaa sheegay in dawladu u diiday in ay booqdaan musharixiinta xidhan, isla markaana ay aad uga war warsanyihiin xaaladooda caafimaad.

“ labadii xildhibaan ee la xidhay, ee Madheera lageeyay, ee ehelkii ka daba tagay, anigu nin baan aabihi ahay Maxamud Axmed Jamac, ka kalena adeer baan u ahay, maalin dhawayd lix gaadhi baanu ku tagnay, waa lanoo diiday in aanu aragno, dadka dadka dilla ayaaba la tusaa ehelka, wixi alaaba ee aad usidaan uun keena baa nalagu yidhi, lakinse ma arki kartaano amar baa nala soo siiyay, labada inan mid baa waliba macaan leh, maalintii hore CID du way noodiiday dawadii macaanka in aanu u dirno, imikana tii aanu dirnay keena uun baa nala yidhi wixii alaaba ee aad sidaan, in loo geeyay in la jidh dilay si ay yihiin war kama hayno”   Axmed Jamac Xasan, oo aabbe u ah mid kamida musharixiinta aya sida yidhi.

Axmed Jamac ayaa sidoo kale madaxwaynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka danbeeyo xadhiga labada musharax, sababtuna ay tahay in musharixiinta oo ay madaxwaynaha isku hayb yihiin, uu madaxwaynuhu u xidhay maadama oo ay iska sharaxeen xisbi aan ahayn xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Dhinaca kale xisbiga mucaarad ka ah ee UCID ayaa cambaareeyay talaabada ay xukuumadu ugu diiday ehelada in ay arkaan musharixiinta.

“Xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID'  waxa uu si adag u  cambaaraynayaa falka foosha xun ee shalay loogu diiday inay Xabsiga Madheera ku booqdaan  eheladii iyo qoyskii ay ka soo jeedeen labada murashax ee kala Maxamuud Axmed Jaamac iyo Raage Axmed Yuusuf oo 8dii bishan 2/ 2021 ka ay xabsiga Madheera u u taxaabay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyada oo dambi looga dhigay labadaasi muwaadin maxaad xisbiga UCID iskaga Sharaxaysaan”. Xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yusuf Kayse ayaa sida yidhi.

Xogeeyaha ayaa xadhiga labada musharax ku sifeeyay ku takrifal awooded iyo qayru sharci.

“Ugu dambayn talaabooyinka noocaasi ee xukuumadda Somaliland ku kacayso' ayaa ah kuwo  Aan sharciyadda qaranka Somaliland iyo qawaaniinta kale ee dalka midna meel kaga oolin oo ku takrifal awoodeed iyo kutimasho  sharciyadeed oo aan la aqbali karin uu xisbiga mucaaradka ah ee UCID u arko”. Ayuu yidhi xogeeyuhu.

Xogeeyaha aya hadalkisa ku soo gaba gabeeyay baaq uu udiray xukumada.

“Ugu danbayn waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda JSL in ay joojiso falkaa awood sheegashada ah ee ay kula kacday ehelada musharaxiinta ee booqashada ugu tagay, arintani waxay wer wer iyo walaac ku keenaysaa Xisbiga iyo ehelada musharaxiintaba waxaanan leenahay xukuumadu ha ka waan-towdo talaabooyinka sidan oo kale ah, oo dhawaac wayn u gaysanaya nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ku Soo caano-maalnay 30 Sanadood ee u danbeeyay”. Ayuu yidhi xogeeyuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]