4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo amray in deg deg loo furo waddada Dabka

 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa amray laamaha amniga in deg deg loo furo waddada Dabka oo ay xireen laamaha nabad-galyada.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan magaalada Muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaasha waddada oo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha.

“ Waxaan faray hay’addaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada ayuu yiri”  Ra'iisal Wasaare Rooble.

Xirnaashiyaha waddadan ayaa siweyn looga dareemay isku socodka dadka iyo gaadiidka jidka Maka Al-Mukarama oo ay dhibaato ku noqotay gaadiidka sidii ay isaga gudbi lahaayeen saxmada ka jirta awgeed,.

Waddadan la xiray ee Ra'iisal Wasaaruhu amray in dib loo furo ayaa maalintii shalay waxaa xoog uga gudbay gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa oo markii danbe weerar ismiidaamin ah ka geystay Isgoyska Sayidka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]