4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay

 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay gaari noociisu yahay Hoomey oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaddib markii ay howlgal ka sameeyeen ciidamada dowladda gobolka Shabeellaha Hoose.

Tuullada Cadcadey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo gaariga lagu qabtay ayeey sheegeen saraakiisha dowladda in ay ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hasse ahaatee ciidamadu gacanta ku dhiggeen.

Gaarigan ayaa la sheegay in muddo ah lagu diyaarinayay walxa qarxa, islamarkaana Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku weerarraan magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa lagu daabacay bogga Idaacada Codka ciidamada ee dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa imanaya xili maalintii shalay gaaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay weerar ismiidaamin ah ka fuliyay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Siyadka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]