4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay gaari uu la socday Imaamka beesha Mudullood

 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) -Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay rasaas lagu furay gaari uu la socday Imaamnka beesha Mudullood Imaam Maxamed Yusuf oo marayay meel aan ka fogeyn xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ay Imaamnka la saarnaayeen qaar ka mid ah duubabka dhaqanka beesha Mudullood waxaa la sheegay in ay ka soo laabteen gogosha tacsida alle ha u naxariisteen Gen Maxamed Nuur Galaal.

Rasaasta ayaa lagu waramayaa in ay gaariga ku fureen ciidamo ku sugnaa Koontaroolka labaad waddada hormarta xasbiga dhexe.

Dhaawacyo kala duwan ayaa lagu waramayaa in ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladii iyo duubabkii dhaqanka la soctay gaariga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay laamaha amniga ka soo saareen rasaasta lagu furay gaariga Imaamka beesha Mudullood.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]