4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Suldaankii guud ee beelaha Somaliland oo maanta Hargaysa lagu aasay iyo suldaan cusub oo la caleemo saaray


Sabti, Febraayo, 13, 2021 (HOL)- suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan Cabdiqadir, oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Hargaysa, isla markana waxa isla goobta lagu caleemo saaray Suldan Da’ud Suldan Maxamed oo ah mid kamid ah wiilasha uu suldaanku dhalay.

Aaska qaran ee loo sameeyay Alle ha unxariistee Suldan maxamed ayaa waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, saraakiil sar sare oo ka tirsan xukumada Somaliland iyo madaxda axsaabta siyaasada ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa  Suldan Maxamed ugu duceeyay in uu Alle Janatul Fardawsa ka waraabiyo isla markaana Suldaan Da’ud Suldan Maxamed oo maanta loo caleemo saaray in uu aabihi badalo ugu duceeyay in uu Alle ku guuleeyo xilka loo cumamaday.

“ Inaali laahu wa inaa ilayhi raajucuun, Alle ha u naxariisto, Alle janadiisa haka waraabiyo, wixii muslina ee ka horeeyayna Alle ha u naxariisto, inagana haynooga daba naxariisto, maanta halkan waxa kale oo aynu gu ducaynaynaa, inan kiisii oo maanta isagana loo caleemo saray suldaan, isagana Alle ha barakeeyo, Alle idamkii waxaynu rajaynaynaa in ay noqoto suldaan nimadii soo jirtay, kii khayr, dad isku wad iyo danta dadka ka shaqeeya ayuu isna noqon doona insha allah, sidii awaw yaashi ee ay ahayd abtirsiin tiisu” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale saraakiisha ugu sar saraysa axsaabta mucaarad ka Somaliland aya iyaguna dhankooda u duceeyay suldaanka geeriyooday, Alle na uga baryay in uu Janatul Fardawsa ku casuumo.

Cabdilahi Cabdiraxman SH. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]