4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maxkamadda ICJ ay Kenya ka diiday in dib loo dhigo dacwada badda
 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in aan dib loo dhigidoonin dacwadda dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, sida uu sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Gulled.

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay maxkamaddu go’aan shalay ku gaartay in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe.

Maxkamadda ICJ ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku wargalisay in ay u soo diyaargaroobaan dhegaysiga dacwada 15-19 bisha March 2021.

“Waxaan shacabweynaha Soomaaliyeed u sheegaynaa anagoo ku kalsoon ilaaheey iyo taageerada shacabkeenna in aan dooddeena xaq ku helidoono, inagoo weliba ku kalsoon dhexdhexaadnimada maxkamadda,” ayuu yiri raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Mahdi Gulled wuxuu sheegay in dowladda federalka Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ay dadaal xoogan ku bixisay dacwada dhinaca badda, iyadoo kaashanaysay bulshada Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]