4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Hoggaamiyaha Burcadda disha Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika oo la qabtay
 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Booliiska wadanka Koofur Afrika ayaa maanta xabsiga dhigay Nin la sheegay inuu yahay hoggaamiyaha Burcadda hubeysan ee dilalka u geysata shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.

Ciidanka Booliiska Koofur Afrika ayaa Ninkan ka qabtay deegaanka lagu magacaabo Motherwell oo ka tirsan magaalada Port Elezapeth ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa inoo sheegay in Ninka la qabtay uu ka dambeyay dilal fara badan iyo dhac loo geystay muwadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Motherwell.

Ninkan Booliiska gacanta ku dhigeen ee ahaa hoggaamiyaha Buracada hubeysan ee dalka Koofur Afrika ayaa qabashadiisa waxay kusoo beegmeysa xili saacadahii la soo dhaafay magaalada Port Elezapeth iyo nawaaxigeeda dilal iyo dhaawacyo loogu geeystay ganacsato Soomaaliyeed.

Qabashada hoggaamiyaha Burcada hubeysan ee Koonfur Afrikaanka ah ayaa kusoo aadeysa iyadoo habeenkii xalay ahaa dilal loogu geystay magaalada Port Elezapeth muwadiniin lagu kala magacaabi jiray Mikaa'iil Bitoow iyo Cabdixakiin Jeelle oo lagu dhex dilay goobtooda ganacsi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]