4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Booliiska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) -Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 7 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan oo lagu soo raray gaari noociisu yahay NOHA ah oo xoog ku soo maray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska dabbka uu ku qarxay Koontoroola Sayidka.

War ay soo saareen Booliiska ayaa lagu yiri '' Saakay 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa taggay oo xiray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]