4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siyadka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala eegtay barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya iyadoo goobjoogayaal sheegeen in gaariga is qarxiyay ay eryanayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Goobta uu gaariga ku qarxay ayaa xiligaa waxaa ku sugnaa gaadiid u badnaa kuwa dadweynaha oo intooda badan goobta ku barburay waxaana jira khasaare aan wali si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Ciidamada dowladda oo goobta garay ayaa xirray Isgoyska Siyadka iyo Dabka, iyaga oo u diidaya in dadka iyo gaadiidka ay isticmaalaan, waxaana goobta ka socda howlo looga nadiifinaya laamiga burburka gaariga qarxay iyo dhiiga dadkii ku wax-yeeloobay qaraxa.

Qaraxyada ayaa magaalada Muqdisho ka noqday kuwo xiriir ah ,iyadoo xalay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhaca agagaarka isgoyska Bakaaraha.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]