4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Jaamacadda Carabta oo war ka soo saartay xaalada Soomaaliya iyo ismarwaaga doorashada

 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda  Soomaaliya in ay wada hadlaan si loo dhameeyo khilaafaadka jira isfaham buuxana looga gaaro arimaha doorashada ee leysku hayo.

Baaya ayaa lagu sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta oo si dhaw ula socdo dadaallada ay sameynayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ee ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis buuxa oo lagu dhameynayo madmadowga siyaasadeed ee jira.

''Waa in si dhaqse leh loo bilaabaa wada hadallada lagu xalinayo khilaafka doorashada si dalka Soomaaliya ay uga dhacdo doorasho nabaddoon oo leysla ogol yahay''' ayaa lagu yiri baaqa Ururka Jaamacadda Carabta.

Wadamo badan iyo Ururo Caalami ah oo daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa baaqyo kala duwan ka soo saarey xaalada cakiran ee siyaasada Soomaaliya maadama weli an wax hehsiis ah laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]