4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Suldaankii guud ee Beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan Cabdulqadir oo Hargaysa ku geeriyooday
 

Jimco, Fabraayo, 12, 2021 (HOL)- Alle ha u naxariistee suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan Abdulqadir oo saldanada hayay taniyo sanadkii 1975 kii ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Dadwayne badan oo madax iyo shiciba iskugu jira ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timiday suldaanka, madaxda ilaa iyo hada tacsiyaysay waxa kamida madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd."ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu ku arsaaqo janatul fardawsa isla markaana uu Samir iyo iiman kasiiyo qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan umada Soomaliyeed ba.

Sidokale guddomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani Cabdiraxman Maxamed  Cabdillaahi (Cirro) iyo saraakil sar sare oo katirsan xisbiga Wadani oo goordhawayd booqasho ku tagay guriga la geeyay maydka suldaanka, ayaa tacsi udiray qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland.

“Waxa caawa geeriyooday Alle ha unaxariistee suldaankii guud  ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldan Cadulqadir, waxan Alle uga baryaynaa in uu u danbi dhaafo, Janatul Fardawsana geeyo, dhamaan shacbiga Somaliland iyo qarankaba waan ka tacsiyadaynaynaa, waxan si gaara u tacsiyadaynaynaa caruur tiisi iyo xaasaskii iyo ehelkii” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) .

“Geerida naxdinta leh ee ku timid suldaankeenii guud ee Somaliland, waxan ka tacsiyaynaynaa ehelkiisi qarabadiisi iyo guud ahan dadka reer Somaliland iyo dadka Soomalidaba, Alle SWC ha unaxariisto, janadii Fardawsa ha geeyo.” ayuu yidhi Hogaamiyaha xisbiga Wadani Xirsi Xaaji Cali .

Dhinaca kale masuuliyiin katirsan xukuumada Somaliland, ayaa ka tacsiyeeyey geerida suldaanka.

“Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, maanta oo maalin jimce ah oo taariikhdu ay tahay 12 kii feebarwari 2021, waxa magaalada Hargaysa ku geeriyooday, Suldan Maxamed Suldan Cabdulqadir suldaankii guud ee Somaliland, oo hada lagu jiro qaban qaabadii aaskiisa, oo guddi hawshaa qaban qaabisa loo saaray, suldaanku wuxuu aha suldaank qadiimiya, oo qof wanaagsan ah, oo shaqsiyad wanaagsan leh, naxaristii jano ayaynu Alle uga baryaynaa.” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamuud Diiriye ( Toorno).

Waxa sidookale geerida suldanka ka tacsiyeeyay. Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi iyo Boqor Cismaan Buurmadaw iyagoo sheegay in suldaanku uu ahaa qof wanaagsan isla markaana uu ka soo jeeday silsilad salaadiin ah, iyagona inta ku daray in la tabi doono.

Alle ha u naxariistee Suldan Maxamed Suldan Cabdulqaadir ayaa maalinta bari ah markay sacadu tahay 12 ka duhurnimo lagu aasi doona deegaanka Toon ee duleedka magaalada Hargaysa sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay guddida qaban qaabada aaska suldaanka.

Cadilaahi Cabdiraxmaan Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]