4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Jubbaland '' Gedo oo dhameystiran in la soo wareejiyo ayeey ku xirran tahay doorashada


Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa wali ku adkeysaneysa in marka hore gobolka Gedo gacanteeda lagu soo wareejiyo ka hor doorashada Soomaaliya, taasoo ka dhigtay Gedo xuddunta khilaafka doorashada.

Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Gedo oo lagu soo wada celiyo gacanta Jubbaland ay ku xirran tahay doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.

'' Ugu danbeyntii Jubbaland mowqifkeeda oo cad waa  Gedo oo (dhameystiran) oo aan la soo celinin, wax doorasho ah oo ay Jubaland galeyso ma jirto'' ayuu yiri Wasiirka  

Waxaa uu intaa ku darray in mowqifkan yahay mid ay Jubbaland oo dhan qaadatay gaar ahaan waxaa uu intaa ku darray in haddii aan muddo kooban oo ku siman 60 cisho aan looga qaadin ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo wax doorasho ah Jubbaland ka qeybgali doonin.

Hadalka Jubbaland ayaa imanaya xili madaxweynaha Soomaaliya uu mar kale ku baaqay shir isugu imanayaa madaxda dowladda dhexe ee Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada kaasoo la doonayo in looga arinsado arrimaha cakiran ee doorashada, lamana oga in dowladdu ka tanaasuli doonto mowqifkeeda gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]