4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Wasaarradda Gaadiidka oo daah furtay Diiwaangalinta diyaaradaha iyo ruqsad siinta xirfadlayaasha

 

Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad  oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimadeenna  oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

 

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa  wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]