4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Ururrada bulshada rayidka oo dalbaday in shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo lagu qabto Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL) - Ururrada bulshada rayidka oo war ka soo saaray shirka wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa codkooda ku biiriyay in shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho, kaddib markii uu madaxweynuhu sheegay in uu ka dhacayo magaalada Garoowe.

Horray ayaa baaqa madaxweynaha ee ah shirka lagu qabanayo Garoowe waxaa  u qaadacay madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ku raacay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu soo dhaweynayo in shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda wali ku adkeysaneysa in 15ka bishan kulankan lagu qaban doono magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland.

Ururrada bulshada rayidka oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale dalbaday in loo ogolaado in ay kulanka xubno ku yeeshaan, inkastoo madaxweynuhu ku martiqaaday oo kaliya madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]