4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Booliiska Baledweyne oo gacanta kusoo dhigay Wiil 9 jir ah oo la afduubtay iyo Ninkii afduubtay
 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Baledweyne ayay u suurta gashay iney gacanta kusoo dhigaan nin la sheegay inuu afduubtay wiil yar oo sagaal sano jir ah.

Wiilka 9 jirka ah ayaa lagu dhex afduubtay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, waxaana baaritaano aay xaafadaasi ka sameyeen ciidamada Booliiska u suurta gashay iney gacanta kuso dhigaan wiilka yar iyo ninka afduubka u geystay.

Taliyaha Booliiska degmada Baledweyne Maxamed Qoorsheel ayaa Shabakadda HOL u sheegay in wiilka yar ee la afduubtay iyo ninka afduubtayba aay isku qoys yihiin sababta uu u afduubtayna uu ku sheegay in wiilka yar aabahiis oo ninka wax afduubtay adeer u ah uu weydiistay lacag uu ku arooso kadibna uu u diiday saas darteedna uu wiilkan yar u afduubtay si uu uga helo adeerkiis qarash madax furasho oo isna uu ku aqal galo.

Dhacdadaan ayaa nogoneysa tii ugu horeysay oo noocaan oo kale ah oo ka dhacda gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Ugu dambeyntii taliye Maxamed Qoorsheel ayaa sheegay in dambiilahan hadda uu ku jiro gacanta Booliiska Baledweyne lana marsiin doono waxa sharciga uu ka qabo falkaan uu ku kacay,

Shacabka ku dhaqan Baledweyne ayaa Caawa aad u hadal haayo dhacdadaan lagu afduubtay wiilkan yar oo ah mid ugub ku ah magaalada Baledweyne.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]