4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Wafti wasiiro Somaliland ka socda oo Nairobi gaadhay iyo ujeedka socdaal kooda
 

Khamiis, Febraayo, 11, 2021 (HOL)- sida ay ku waranatay jariirada Busiweek, wasiirada qorshaynta iyo maaliyada ee Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la qaatay madaxa shaqaalaha dawladda ee Kenya si loosi anba qaado daddaalada lagu doonayo in Kenya ay xafiis dibulumaasiyadeed kaga furato magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Warbixinta aya lagu yidhi “waftiga Somaliland oo ay hogaaminayaan wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shirre iyo wasiirka qorshaynta Xasan Gaafaadhi, ayaa kulan la qaatay madaxa shaqaalaha dawlada ee Kenya Joseph Kinyua, kulan kan yay dhinacyadu ku sheegeen in uu yahay wareegii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Kenya, kahor inta aan lafurin xafiiska Kenya ee Hargaysa iyo duulimaadyada tooska ah ee iskaga kala gooshi doona magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa”.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in waftiga uu kamid ahaa wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar kaasi oo sheegay, in kulankani uu daba socdo isfahamkii ay dabayaaqadii sanadkii hore kala saxeexdeen madaxwaynayaasha Somaliland iyo Kenya.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]