4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Maxkamada Madaniga Gobolka Hiiraan oo sii deysay dhalinyaro maalmahan ku xirnaa Baledweyne
 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Maxkamada Madaniga gobolka Hiiraan ayaa maanta sii deysay ilaa 7 dhalinyaro ah oo isugu jiray 4 Wiil iyo 3 Gabdhood kuwaas oo muddo laba todobaad ka badan ku xirnaa Xabsiga Nabadsugida ee ku yaala xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.

Dhalinyaradan ayaa saakay la horkeenay Maxkamada  Rayidka ah markii labaad isbuucan gudahiisa waxaana lagu waayay wax dambi ah oo la xiriira eedeymahii loo soo xiray dhalinyaradan oo aheyd kicin dadweyne, iyadoo Maxkamadana aay amartay in lasii daayo dhalinyaradan maadama lagu waayay wax dambi ah sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamada Madaniga ee gobolka Hiiraan C/raxiin Taakooy.

Dhalinyarada maanta xabsiga laga sii daayay ayaa xirnaa muddo ka badan 10 maalmood waxaana sidoo kale jirtay in mudadaasi gudaheeda aay jireen dhalinyaro kale oo la xirxiray balse lasii daayay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay waxay Baledweyne kala kulmayeen shacab diidan hanaankii loo maray dhismaha labaad iyo jiritaanka Hirshabeelle taasoo keentay banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo Hirshabeelle oo dhaliyay in la xirxiro dad aad u fara badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]