4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Maamulka degmada Kismaayo oo ka hadlay dilal saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada

 

Khamiis, Feberaayo, 11. 2021 (HOL) - Maamulka magaalada Kismaayo ee dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa ka hadlay howlgalo ay ka sameeyeen magaalada kaddib dilal iyo qaraxyo ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Kismaayo ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhiggay inta badan dadka falalka amaan darro ka geysta degmada, isaga oo intaa raaciyay in xiliggan nabad-galyada Kismaayo leysku haleyn karo.

''Dad aan falalkan u soo qabqabanay ayaa hadda xabsiyada ku jira, kuwa kalana waan ku raadjoognaa, waxyaabaha hadda ka dhacdhacaya magaalada oo aad arkeysaanna waxey ka jiraan aduunka oo idil, marka Amniga waa mid leysku haleyn karo ayuu yiri' guddoomiye ku-xigeenka.

Kismaayo bilihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad caan ka ahaa magaalada oo ay ku jireen mas'uuliyiin ka tirsanaa maamulka iyo ganacsatado, sidoo kalana waxaa ka dhaca inta badan qaraxyo  qaarkood la sheegay in lagu xiro daaqadaha guryaha ay deggan yihiin dadka la bartilmaameedsanayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]