4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Puntland oo weli ku adkaysatay in shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa weli ku adkaysanaya in Muqdisho lagu qabto shirka wadatashiga ee uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay, xilli ay dowladda federalka ka go'an tahay in shirka lagu qabandoono Garowe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland mar walba kaalin muhim ah ay ka qaadanayso sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu haatan ku jiro.

Puntland waxay soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho, shirkuna u baahan yahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamkana ay halkaas wada joogaan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa habeenimadii xalay sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in shirka wada tashiga uu ka dhaco magaalada Garowe, oo ay u doorteen nabada ka jirta iyo miisaankeeda siyaasadeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]