4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hortimid qorshe Kenya ku doonayso in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada badda
 

Khamiis, Feberaayo, 11 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay dalab dowladda Kenya ugudbisay maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ICJ, si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in warqad  u qortay maxkamadda ICJ ayna ku caddaynayso in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwada bilaabanaysa bisha march.

Maxkamadda ICJ ayaa 15-ka bisha march ee sanadkan u muddaysan tahay in la gudo galo dhegaysiga dacwada badda oo marar kala duwan ay dowladda Kenya ku guulaysatay in dib loo dhigo kadib codsi ay u dirtay maxkamadda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan marnaba aqbalidoonin dib u dhigis dambe, isagoo tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay u arkayso “caddaalad dib loo dhigay in ay lamid tahay cadaalad la diiday. (Justice delayed is justice denied).

“Haddaad dib u dhigto xukun iyo maxkamad waxay ka dhigan tahay in aadan maxkamadda aqoonsanayn ama aadan rabin inaad cadaaladda hortagtid,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Dowladda Kenya ayaa dooddeeda ku aadan dib u dhigista dacwada badda waxay sabab u dhigaysaa in aanay jirin dowlad sharciyad haysata  oo xilligaan ka jirta Soomaaliya, sida lagu qoray wargeysyada waawayn ee Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]