4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Somaliland oo ka hadashay Markab xoola siday oo ay dowladda Sucuudigu soo celisay
 

Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay, in Markab kamida maraakiib siday xoolo laga qaaday dakadda Berbera uu Sucuudigu dib usoo celiyay, kadib markii qaar kamida xanuun laga helay.

Wasiirka oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay sameeyeen dadaal badan sidi loo ilaalin lahaa caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo marsada (dekedda) Berbera, balse Sucuudigu soo celiyay mid kamida maraakiib xoolo ka qaday dekedda Berbera.

“ Dhawr Markab baa baxay, dhawrkii Markab mid kamida waa lasoo celiyay, hadii lasoo celiyayna anagu dadaal kayagii ugu badnaa waanu galnay, caafimaadka iyo shuruudaha sucuudigu kuxidhay xoolaha dhamaan waanu u dhamaystirnay, maxjarada waanu ku shaybaadhnay, dhakhtarada wasaradu wayka shaqeeyeen, waxyaabo badan oo kaloo siyaado ah baanu samaynay, waxan caado ahan jirin baanu samaynay oo ah in aanu Markab walba dhakhtar saarno, dawooyin na saarno, dhakhtar kasina kasoo waramo xaalada xoolaha intay badda ku jiraan ilaa maalinta la dajinayo uu goob joog ka noqdo, hadii ay timado asbaab lagu soo celiyana uu isagu goob joog nooga noqdo iyo in uu dadka raaciga ah ku daba taag naado in ay xoolaha cawska iyo biyaha ba sifiican u siiyaan, wixi dawo u baahdana la daweeyo, waxaasi waa taxadar uun xooluhu marka horeba way dawaysan yihiin”. Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi waxa dhacda inta badan in xoolaha lagu soo celiyo waxyaabo aan macno badan lahayn sida furuuruc (finan yar yar) oo afka kasoo baxa iyo wixi lamida.

Wasiirka ayaa sidokale sheegay, in wasaarad ahan ay shuruudo ku xidheen caafimadka xoolaha taasi oo saamaxaysa, in aan lasoo celin xoolaha Somaliland.

“markan danbe ee xoolaha la furay guddida adhilaha waanu wada hadalay, 11 (koob iyo toban) shuruudood baanu ku xidhnay, oo koob iyo toban kaa shuruudoodba saamaxayaan in aan xoolaheena lasoo celin, waxa kamida in marakiibta iyo nadaafadooda, maraakiibta iyo dheerayn tooda, in maxjadara aanu ku hubino dhamaan shurudaha uu Sucuudigu ku xidhay xoolaha, in aan xoolaha marqudha Markab la wada saarin.” Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in dakad ka dhaw dakadda magalada Jida ay dowlada Sucuuudigu u furtay xoolaha Somaliland, taasi oo ah dekedda magaalada Jeesaan, halkaso ay xooluhu mudo kooban ku gaadhi karaan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]