4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Somaliland : Beesha Caalamka oo soo dhaweeysay in doorashadu dhacdo 31 ka bisha May
 

Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- bayaan ay siwadajira usoo saareen wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa lagu bogaadiyay go’aankii ay golaha guurtidu ku mudeeyen xiliga doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka looga dareerayo Somaliland, oo ah 31 ka bisha May ee sanadkan 2021.

Bayaanka oo ay ku saxeexanyihiin waddamada Denmark, Finland, Faransiis ka, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa lagu yidhi, “Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland ka taagerada geedi socodka dimuquraadiyada, waxay soo dhawaynayaan ku dhawaaqista in doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku dhici doonaan 31 bisha May. Doorashooyinkani waxay fursad wayn u yihiin Somaliland in ay dib u xaqiijiso aqoonsigeeda dimuquraadiyadeed iyo in lasii wado horumarka laga gaadhay geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland”.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yidhi, “waxaanu ku bogaadinayna guddida doorashooyinka qaranka iyo sadexda xisbi siyaasadeed sida ay ugu guulaysteen dhamaystirka digaawaangalinta cod bixiyayaasha, oo hufan oo loowada dhanyahay, intii u dhaxaysay December 2020 ilaa Janaayo 2021. Waxanu aragnay oo aanu soo dhawaynaynaa tiro badan oo dhalinyaro hablo iyo wiilal ba iskugu jira oo is diwaan galiyay si ay markii ugu horaysay u codeeyaan. Sida ay shaqadu usocotaa waa mid daahfuran oo madax banaan, taasi oo xaqiijinaysa kalsoonida lagu qabo geedi-socodka dimuquraadiyada Somaliland”.

Saxiibad Somaliland ayaa sidoo kale dawlada iyo axsaabta ku booriyay in musharixiinta anay ku xulanin tayadooda qofahaneed oo kaliya balse ay sidookale u eegaan in bulshooyinka kala duwani ay iska wada dhex arki karaan.

Warsaxaafadeedka ayaa sidokale lagu yidhi “waxaanu soo dhawaynaynaa ballanqaadkii 3-da sebtember ee sanadkii hore ay kala saxeexdeen saddexda xisbi siyaasadeed, ballanqaadkaas oo aha in ay magacaabaan 18 dumara oo musharixiin ah iyo sadex musharax oo kasocda beelaha laga tirada badanyahay, sidookale waxaanu ugu baaqayna xisbiyada in ay qaadan talaabooyin dheeraad ah si ay haweenka iyo  beelaha laga tirada badanyahay  u helaan metelaad balaadhan”.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay sidoo kale in saaxiibada Somaliland ay kawar sugayaan xeerrarka anshaxa ee doorashada iyo warbaahinta xiliga doorashada, iyo in xeerrarkaasi noqdaan qaar horseedaya daahfurnaan iyo in ay noqdaan qaar ilaalinaya musharixiinta gaar ahaan dumarka, isla markaana u ogolaanaya in haweenku ay helaan fursad lamida ta raga, marka ay noqoto dhinaca warbaahinta.

Warbixinta ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in beesha caalamku ay la dhacsantahay shaqada ay qabatay Somaliland si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda isla markaana, ay Somaliland bixiso inta ugu badan kharashka ku baxaya doorashada.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]