4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Mareykanka oo kordhiyay cadaadiska uu saarayo hogaamiyaasha Soomaalida ee ku muransan doorashada
 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa kordhiyay cadaadiska uu saarayo hogaamiyaasha Soomaalida si ay dib ugu bilaabaan wadahadalada, iyagoo ku celceliyay baaqyo isku mid ah oo ay soo jeediyeen UN-ka iyo EU-da

Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay wax kastoo geeddi socod ah oo isbarbar socda lagana leexdo heshiiskii doorashada 17-ka september, taasoo dhabar jab ku ah dalabyada mucaaradka ee ah in la sameeyo gole qaran oo la wareega arrimaha doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa u sheegay suxufiyiinta Talaadadii in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay tahay inay dhinac iska dhigaan danahooda kana shaqeeyaan danta ummadda.

"Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyaasha Soomaaliya inay si dhakhso leh dib ugu bilaabaan wadahadalka si ay u dhacdo doorasho qaran", ayuu yiri Ned Price.

Price ayaa ka digay in caqabadaha doorashooyinka ay hortaagan yihiin dib u habeynta iyo kahortaga argagixisada iyo dib u dhaca sii socda inuu kaliya kordhin doona halista xasilooni darrada dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Sabtidii in ay doonayaan sameynta Gole Kumeelgaar ah oo Qaran oo kormeera diyaarinta doorashooyinka iyo xilliga kala guurka ah.

Bayaan ay soo saareen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku waxay ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay gaaraan heshiis guud oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]