4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Muqdisho: Wasiirka Shaqada oo daahfuray mashruuca TVET +



Arbaco,Feberaayo,10,2021 (HOL) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta daahfuray mashruuca ballaaran ee  Farsamada,Xirfadaha iyo Tababbarada ee TVET+ oo  markii u horreysay dalka laga hirgelinayo tobanaan sano ka dib.

Mashruucan waxaa laga fulin doonaa wajigiisa koowaad saddexda Dawlad-gobolleed ee Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed, waxaana maamul kasta laga hirgelinayaa xarumo farsamo oo si casri ah u qalabeysan. Waxaa lagu baran doonaa xarumahan oo loo yaqaano (TVET+) hannaanka barashada farsamada gacanta ee dalka Jarmalka.

Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan  uu diiradda saarayo ayaa ah shaqaalo  xirfad leh, tallaabadaa oo lagu gaarayo kobac dhaqaale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta Bulshada ayaa sheegay muddada uu socday inay ka faa’iideysan doonaan boqollaal bulshada qeybaheeda ah oo u badan dhallinyaro. Wuxuu u mahadceliyay Dawladda Jarmalka oo mashruucan ka taageeraysa Soomaaliya,isagoo inta ku daray inay Dawladda Soomaaliya ka go’antahay horumarinta xirfadaha.

“ Daahfurka mashruucan TVET+ ee  xoojinta Shaqaalaynta iyadoo loo marayo Waxbarashada Farsamada,Xirfadaha iyo Tababbarka oo laga hirgelinayo saddexda Dawlad-gobolleed waa qorshe ballaaran oo aan xal ugu raadineyno baahida xirfadaha ee ka jirta dalka iyo in lagu dhimo shaqo la’aanta.” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Munaasabadda daahfurka mashruuca oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo ay goobjoog u ahaayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo xubne kale oo uu saameynta ku leh mashruuca, waxaa habka fogaan aragga uga qeybgalay saraakiil ka tirsan Dawladda Jarmalka, hay’adaha fulinaya, maamulka gobolka Mudug ee Dawlad-gobolleedka Galmudug oo xarunta ugu horreysa ee dugsiga Farsamada laga hirgelinayo.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]