Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Jubbaland oo soo dhowaysay shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay kuna talisay inuu Muqdisho ka dhaco
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweysay shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo, kaas oo uu xalay iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Jubbaland ayaa si lamid ah Puntland waxay ku talisay in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.
Jubbaland iyo Puntland ayaa sida muuqata mowqif isku mid ah ka qaatay shirka madaxweyne Farmajo bayaamiyay, waxaana labada dowlad goboleed ay doonayaan in ay shirka la geeyo Muqdisho fursadna la siiyo musharrixiinta iyo beesha caalamka oo iyaga ka maqnaa dhammaan shirarkii horay u dhacay.
Lama oga in madaxweyne Farmaajo uu oggolandoono in ay shirka uu bayaamiyay ay ka qeybgalidoonaan musharrixiinta iyo beesha caalamka, waxaana dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ay aaminsan yihiin in Farmaajo uu aad isaga ilaalinayo inuu shir la fariisto musharrixiinta mucaaradka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Dowladda federalka Soomaaliya oo ku celisay in shirka madaxweyne Farmaajo shaaciyay uu ka dhacayo Garowe
2/10/2021 4:12 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay in shirka wada tashiga uu ka dhaco magaalada Garowe, inkastoo ay Puntland ay ku talisay Muqdisho.
Midowga Musharixiinta'' Farmaajo xiligan waa musharax oo kaliya waa in uu shirka sidaa uga qeybgalaa
2/10/2021 1:58 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu taageerray baaqii Dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo isku raacay in magaalada Muqdisho lagu qabto shirkii uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Somaliland oo ka hadashay Markab xoola siday oo ay dowladda Sucuudigu soo celisay
2/10/2021 12:09 PM EST
Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay, in Markab kamida maraakiib siday xoolo laga qaaday dakadda Berbera uu Sucuudigu dib usoo celiyay, kadib markii qaar kamida xanuun laga helay.
Somaliland : Beesha Caalamka oo soo dhaweeysay in doorashadu dhacdo 31 ka bisha May
2/10/2021 11:01 AM EST
Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- bayaan ay siwadajira usoo saareen wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa lagu bogaadiyay go’aankii ay golaha guurtidu ku mudeeyen xiliga doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka looga dareerayo Somaliland, oo ah 31 ka bisha May ee sanadkan 2021.
Cudurka Covid 19 oo mar kale ku soo laba-kacleeyay dalka Soomaaliya
2/10/2021 9:22 AM EST
Arbaco,, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo u warantay HOL ayaa sheegtay in cudurka Covid 19 uu dib uga soo cusboonaaday dalka Soomaaliya kaddib markii bilihii ugu danbeeyay cudurkani uu u muuqday mid dalka ka sii dhamaanaya.
Mareykanka oo kordhiyay cadaadiska uu saarayo hogaamiyaasha Soomaalida ee ku muransan doorashada
2/10/2021 8:38 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa kordhiyay cadaadiska uu saarayo hogaamiyaasha Soomaalida si ay dib ugu bilaabaan wadahadalada, iyagoo ku celceliyay baaqyo isku mid ah oo ay soo jeediyeen UN-ka iyo EU-da
Faysal Cali Waraabe “ haduu Muuse Biixi gurigayga iigu soo galo waan iska celinaya”
2/10/2021 7:46 AM EST
Arbaco, Febraayo, 10, 2021 (HOL)- guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee Ucid ENG: Faysal Cali Waraabe, oo maanta ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu kuso dhawaynayay musharixiin, ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu xoriyadooda usoo celiyo laba musharax oo uu guddoomiyuhu sheegay in dawladu ka xidhay.
Muqdisho: Wasiirka Shaqada oo daahfuray mashruuca TVET +
2/10/2021 7:40 AM EST
Arbaco,Feberaayo,10,2021 (HOL) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta daahfuray mashruuca ballaaran ee Farsamada,Xirfadaha iyo Tababbarada ee TVET+ oo markii u horreysay dalka laga hirgelinayo tobanaan sano ka dib.
Cabdi Xaanshi oo soo dhaweeyay soo jeedinta ah in shirka uu iclaamiyay Farmaajo lagu qabto Muqdisho
2/10/2021 5:39 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Puntland ee ah shirka uu iclaamiyay mar kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qabto magaalada Muqdisho.
Ra'iisal Wasaare Rooble oo maanta hortaggaya Golaha Shacabka
2/10/2021 4:28 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Arbaco ah uu hortago xildhibaannada Golaha Shacabka, halkaa oo uu ka jeedin doono khudbad ka la xiriirta wax qabadka xukuumaddiisa.
Xukuumadda oo dardargalineysa qabsoomida shirka uu madaxweynuhu ku baaqay
2/10/2021 12:21 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddu ka shaqeyn doonto sida uu hadalka u dhiggay fuddudeynta iyo waliba dardar galinta qabsoomida shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay in uu ka dhacayo magaalada Garoowe.
Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey oo soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya
2/10/2021 12:11 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa soo dhaweeyay shirka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.
Somali News
Puntland rebuffs Villa Somalia's calls for dialogue in Garowe, suggests Mogadishu as appropriate venue
-
HOL
2/10/2021 4:39 AM EST
Mogadishu (HOL) - Following mounting pressure from the international community to solve the country's electoral impasse, Villa Somalia announced on Tuesday evening that President Farmaajo would convene with Federal Member State leaders in Garowe this Monday to discuss the electoral deadlock. However, Puntland State House released a statement several hours later, saying that Villa Somalia did not consult it about holding the conference in its capital and suggested that the talks be held in Mogadishu.
U.S Senator warns of ‘risk of bloodshed’ in Somalia over electoral deadlock
-
HOL
2/10/2021 2:25 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The U.S Foreign Relations Committee has raised the red flag over possible violence in Somalia following failure by the country’s leadership to agree on elections.
U.S demands resumption of poll talks in Somalia, warns impasse risks instability
-
HOL
2/10/2021 2:18 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The U.S. has upped its pressure on Somali leaders to resume talks echoing similar calls by the UN and the EU and warned against any parallel process in what deals a blow to the opposition’s demands for the formation of a transitional body.
Growing desperation over Al-Shabaab threat in Kenya's north
-
AFP
2/10/2021 12:58 AM EST
Schools are shut due to an exodus of teachers, travel has become risky because of armed attacks and roadside bombs, and cellphone towers are regularly destroyed.
The pandemic compelled one Somali American educator to become something else: a full-time artist.
-
Sahan Journal
2/10/2021 12:38 AM EST
"As a Muslim actor, I accept that America will never accept me”: Mohammed Hajji Ahmed on being Muslim, Black, and an immigrant trying “to make it” in Minnesota arts.
Who is in charge in Somalia?
-
Al Jazeera
2/10/2021 12:37 AM EST
Somalia is facing a power vacuum as President Farmaajo’s term ends without agreement on holding elections.
Somalia's clan system: undermining democracy?
-
Dw
2/10/2021 12:28 AM EST
As the Horn of Africa nation struggles to reach a consensus on this year's general election, the country's controversial clan-based indirect voting system is under scrutiny.
Kenya says not meddling in Somalia's internal affairs
-
AA
2/10/2021 12:20 AM EST
Kenya rejects claims of interference in domestic affairs of Somalia as 'false and misleading'
UN Security Council urges Somalis to decide quickly on elections
-
AFP
2/10/2021 12:17 AM EST
The UN Security Council called Tuesday on Somalia's leaders to quickly resume dialogue to arrange new elections, hoping to resolve a new crisis in the violence-ravaged nation.