4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey oo soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya

 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa soo dhaweeyay shirka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Kaddib fadhi ay ka yeesheen Golaha xaalada Soomaaliya ayeey ku baaqeen in la fuddudeeyo wadahadalllada la xiriira qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo dhanyada oo dhan ka wada qeyb galaan.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayuu ugu baaqay Goluhu in ay dib u billaabaan wada-xaajoodka isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo ay ka heshiiyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay mar kale ku baaqay shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland, kaddib markii dhawaan lagu soo kala taggay shirkii DhuusaMareeb.

Warbixinta Golaha Amaanka ayaa timid wax yar uun kaddib markii maadxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in 15-ka bishan shir kale lagu qabto magaalada Garoowe, shirkaasi oo uu sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]