4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Faysal Cali Waraabe “Reer Muqdisho waxan leeyahay toosa, gaalo taladina mahayso, Farmaajo mahayo, taladinu gacmihina ayay ku jirtaa”
 

Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta warbahinta kula hadlay magalada Hargaysa ayaa ka tacsiyey geerida Janaraal Galal isla markaana  reer Muqdisho ugu baaqay in ay talada wadan kooda hantaan.

Gudoomiye Faysa Cali Waraabe oo u muuqday in ay damaqday geerida ku timi Janaraal Galaal ayaa yidhi:-

“ Maanta waa maalin murugo, waxan jeclahay in dadka Soomaaliyeed aan ka tacsiyadeeyo gaar ahan dadka reer Muqdisho dilkii foosha xuma ee shalay ka dhacay Hotel Afrik, waxan si gaar u tacsiyadaynaya geerida ku timid janaraal Galaal oo ahaa ragii ciidankii Jamhuuriyadii Somalida cagaha u tagay, wuxu aha nin geesi ah, dagalkii 1977 wuxu aha ninkii ilaa Karamarla gaadhay, wuxu aha nin taarikhda hayay, waa midhadhkii qudhaha ee hayay taarikhda Somaliland iyo Somaliya iyo guudahanba arimaha Somalida Geeska xogogalka u ahaa.”

 Dhinaca kale gudoomiye Faysal ayaa dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay isku tashadan oo ay wadankooda gacanta ku qabtaan isaga oo arinkasi ka hadlanaya waxa uu yidhi:-

“ waxan leeyahay toosa, gaalo taladina mahayso, Farmaajo taladina mahayo, taladinu gacmihinay ku jirtaa, taladina gacanta ku qabsada wixi idinaka dhimana somalida kale ayaa idinla diyaara, diyaar baanu idin nahay lakin qadiyada ka dhiga qadiyad aad leedihin oo adinku hormood ka tihiin, markasanu anaguna gacan idin siin doona Lakin Turki baa halkan jooga, Maraykan baa halkan jooga iyo Qadar baa halkan joogta taladini meeday.”

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kuso gaba gabeeyay in talada Soomaaliyeed ay gacmo shisheeye ku jirto isla markana shacabka Soomaaliya anay  talada wadankoodu gacmaha ugu jirin manta, ayaa yidhi:-

“1991 kii ayuu nin safiirih Garman ahi nagu yidhi hadad manta taladina gadhi waydan waxa iman doonta malin aad doonaysan in aad heshisan lakin taladinu gacmihina ka baxdo oo ay gacmo kale gasho, taladinu manta Ethiopia,  Kenya iyo Maraykan ayay gashay oo midna dan Somaliyeed ka talinayn.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]