Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Markab ay qabteen ciidamada xeebaha ee Somaliland iyo halka laga leeyahay
Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Ciidamada xeebaha ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Djabouti, kaasi oo ay sheegen in uu sifo sharci dora ah kaga kalluumaysanayay biyaha Somaliland.
Warbixin lagu qoray boga Facebook ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa lagu yidhi sidan:-
“ Saldhiga labaad ee ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca bada ee fadhigiisu yahay magalada Saylac, waxa ay xalay hawlgal kusoo qabteen markabkan oo bishi dhamatay horaanteedi ay sidan oo kale ciidanku hawlgal ugu soo qabteen. Waxa laga war helay isla markii uu soo galay biyaha Somaliland, kadib markii usoo qabtay radarka ciidanka badu. Markabkani waxa uu caadaystay in uu in biyaha Somaliland kuso galo sifo sharci daro ah, hadana markabkii iyo shaqalihiba ciidanka ayaa gacanta ku haya waxana laga qaadi doona talabo adag”.
Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Kalfadhiga 12aad ee Golaha Xildhibaanada Degaanka Soomaalida oo maanta furmay
2/1/2021 3:50 PM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan Kalfadhigii 12aad ee Golaha Xildhibaanada Degaanka Soomaalida.
Faysal Cali Waraabe “Reer Muqdisho waxan leeyahay toosa, gaalo taladina mahayso, Farmaajo mahayo, taladinu gacmihina ayay ku jirtaa”
2/1/2021 1:30 PM EST
Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta warbahinta kula hadlay magalada Hargaysa ayaa ka tacsiyey geerida Janaraal Galal isla markaana reer Muqdisho ugu baaqay in ay talada wadan kooda hantaan.
Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo sheegay in uu ka qeybgalayo shirka Dhuusa-Mareeb
2/1/2021 11:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku wargaliyay madaxweynaha Galmudug in maalinta berri ah uu taggayo Dhuusa-Mareeb si uu uga qeybgalo shirka halkaa uga furmaya madaxda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Dowlad gobolleedka Galmudug
2/1/2021 11:10 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, halkaasoo lagu waddo in uu ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Generaal Galaal oo galabta lagu aasay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud
2/1/2021 7:05 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda ayaa ka qeybgalay salaada Jinaasada alle ha u naxariisteen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.
Lamanaayaal ku jiray farxada guurkooda oo kamid noqday dadkii lagu dilay weerarkii hotel Afrik
2/1/2021 7:03 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Fahad iyo Farxiyo oo ahaa lamaanayaal ku jiray todobo baxooda ayaa kamid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dabley katirsan Alshabab gudaha u galeen.
Al-shabaab '' bartilmaameedkeena koowaad ee weerarka Hoteel Afrik wuxuu ahaa Gen Galaal
2/1/2021 6:45 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Qoraal ay soo dhiggeen Al-shabaab bogga Internetka ay ku leeyihiin ayeey ku sheegeen in bartilmaameedkooda koowaad weerarkii ay ku qaadeen shalay hotelka Afrik uu ahaa sida ay hadalka u dhiggeen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay gudaha hotelka.
Madaxweyne Guudlaawe oo waqti aan la cayimin loogu darray xiligga uu ku soo dhisayo golihiisa xukuumadda
2/1/2021 5:02 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Dowladda Gobolleedka Hirshabeelle oo fadhi ku yeeshay maanta magaalada Jowhar ayaa waqti aan la cayimin ugu kordhiyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe xiliga uu ku soo dhisayo gollihiisa xukuumadda.
Golaha guurtida Somaliland oo saaka kulan dag dag ah iskugu yimid
2/1/2021 4:26 AM EST
Isnin, Febraayo, 1, 2021 (HOL)- Golaha guurtida ee Somaliland ayaa kulan ay saaka yeeshen ka dooday codsi ay soo gudbiyeen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada mucaridka, kasi oo golaha guurtida lagaga codsanayo in ay waafaqan mudada ay gudida doorashoyinku go’aamiyen in ay ku qabsonto dorashada golayasha deeganka iyo wakiilada oo ah 31 May 2021.
Midowga musharixiinta oo war ka soo saaray shirka lagu waddo in uu ka furmo Dhuusa-Mareeb
2/1/2021 3:53 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharixiinta ayaa war ka soo saaray shirka Dhuusamareeb iyo saxiixa madaxweynaha ee 13ka Kursi gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare.
Raiisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa oo hortagaya baarlamaanka 9 February
2/1/2021 3:44 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu barlamaanka hortagidoono sagaalka bishan, si uu halkaas u geeyo waxqabadka xukuumadiisa tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.
Cabdirashiid Janaan oo qiray in looga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo
2/1/2021 3:10 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa qirtay in looga itaal roodaanaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo isaga oo dhinaca ka hadlay maxaabiistii looga qabtay dagaalka.
Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay qarax miino ku dileen 12 ruux oo isku qoys ahaa
2/1/2021 12:10 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 12 ruux oo isku qoys ahaa ku geeriyoodeen qarax miino oo loo dhigay gaari ay la socdeen oo marayay deegaanka Golweyn.
Warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha weerarkii hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho
2/1/2021 12:08 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Afhayeena ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa 9 ruux la xaqiijinayo in ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay casir liiqii ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii Hotelka Afrik kana tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal
2/1/2021 12:05 AM EST
Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab shalay galinkii danbe ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho isaga oo dhanka kalana ka tacsiyeey geerida Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka.
Somali News
Tension on border after 2 Kenyan cops shot by Somalia forces
-
The Star
2/1/2021 2:33 PM EST
Tension along the Kenya-Somalia border remains after Kenyan police officers were shot by the Somalia National Army.
Jubbaland Security Minister warns of another offensive on Belet-Hawo
-
HOL
2/1/2021 6:33 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Jubbaland security minister Abdirashid Janan has reiterated his threats to attack Bele-Hawo again after his forces were defeated by federal troops last month.
Somalia, UK agree to boost counterterrorism cooperation
-
AA
2/1/2021 12:38 AM EST
Visiting UK Defense Secretary Ben Wallace met with Somalia's President Mohamed Abdullahi Farmajo and discussed matters concerning counter-terrorism and security.
9 Killed in Seven-Hour Siege of Mogadishu Hotel
-
VOA
2/1/2021 12:33 AM EST
Somalia’s government announced the end of a seven-hour deadly siege in the capital Mogadishu Sunday night, which left nine people dead.
Somaliland’s quest for recognition passes through its ancient caves
-
Washington Post
2/1/2021 12:31 AM EST
Leaders in the breakaway region of Somalia say the international community faces a stark choice: Recognize their independence, or see invaluable history of humankind disappear