4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Madaxweyne Guudlaawe oo waqti aan la cayimin loogu darray xiligga uu ku soo dhisayo golihiisa xukuumadda

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Dowladda Gobolleedka Hirshabeelle oo fadhi ku yeeshay maanta magaalada Jowhar ayaa waqti aan la cayimin ugu kordhiyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe xiliga uu ku soo dhisayo gollihiisa xukuumadda.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ajandihiisa lagu sheegay ka jawaabista codsi baarlamaanka uga yimid madaxweyne Guudlaawe  hortagay Baarlamaanka kana dalbaday in la siiyo waqti uu ku soo dhiso gollihiisa xukuumadda, kaddib markii uu ka dhamaaday waqtigii uu horay Baarlamaanku u siiyay oo aheyd 45 cisho.

Natiijada codeynta ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in ay cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen dhamaanba xildhibaannadii fadhiga ku sugnaa oo gaarayay 54 xildhibaan.

Madaxweyne Hirshabeelle ayaa wajahaya caqabad  la xiriirta dhismaha golle xukuumad cusub, waxaana hadda si KMG u shaqeeya xubnihii gollaha Wasiirradda Madaxweynihii hore Maxamed Cabdi Waare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]