4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Raiisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa oo hortagaya baarlamaanka 9 February
 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu barlamaanka hortagidoono sagaalka bishan, si uu halkaas u geeyo waxqabadka xukuumadiisa tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.

Qoraal goor dhowayd laga akhriyay telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu uu barlamaanka horgaynayo Warbixinta guud ee dalka.

Raysal Wasaare Rooble ayaa xilka haya muddo 4 bilood ah kadib markii xilkan loo magacaabay bishii September dabayaaqadeedii sanadkii hore.

Xilliga uu raysal wasaaruhu xukuumadiisa horgaynayo barlamaanka, waa maalin kadib xilligii loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxweynaha.

Warar ayaa sheegaya in raysal wasaaruhu barlamaanka ka dalbanayo muddo kordhin cayiman si ay xukuumadiisa uga shaqeyso hirgalinta doorashada .

Madaxweyne Farmaajo oo bishii february siddeedii ee sanadkii 2017 xilka madaxtinimada loo doortay, ayaa sidii madaxweynayaashii ka horeeyay ku guul daraysanaya in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online