7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Isimo kale oo bayaan kasoo saaray xiisadaha ka taagan magaalada Boosaaso
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Qaar  kamid ah Isimada gobolka Bari ayaa soo saaray qoraal ay sheegeen in ay ku saxayaan go’aan dhowaan kasoo baxay Isimo kale, go'aankaas oo ay doonayeen in lagusoo afjarayo xiisadaha Boosaaso.

Isimada maanta qoraalka soo saaray waxay wax ka bedel ku sameeyeen qodob kamid ah go’aanadii kasoo baxay Isimadii hore, qodobkaas oo ahaa in hubka PSF lagu wareejiyo agaasimihii hore.

Qodobkaan ayaa Isimada maanta soo saaray bayaanka u qoreen si ka duwan sidii hore, waxayna soo jeediyeen in agaasimihii hore ee PSF lagu wareejiyo hub iyo ciiddan ammaankiisa ku filan.

Madaxweyne Deni oo ka kahor yimid go’aankii hore, lama oga inuu aqbalidoono go’aankaan dambe. Isagoo horey sharci darro ugu tilmaamay in hubka dowladda loo xallaaleeyo shaqsi gaar ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online