7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo ku baaqay in doorashada la hakiyo lagana wada hadlo xalka tabashooyinka
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in doorashada la hakiyo, lagana wada hadlo, si loo xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Golaha musharraxiinta waxay war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in la saxo habraaca oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135 Oday dhaqameed ee soo xulaya  Ergada doorashada.

Waxay sheegeen inay ka qeyb galayaan doorashooyinka, haddii la waafajiyo shuruudaha ay soo jeediyeen, haddii kale waxay ku hanjabeen in ay qaadi doonaan tallaabo kaste oo lagu gaarayo doorasho Hufan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online