7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Faysal Cali Waraabe "Qolada Xamar tagta waa in hantidooda lala wareego oo la xukumo"
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku taageeray amarkii uu kasoo saaray siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Faysal ayaa amarka madaxweynaha ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday, wuxuuna sheegay in xisbigiisu uu aaminsanyahay in siyaasiyiinta ku lug yeesha Soomaaliya hantidooda lalanwareego.

"Waa arrin fiican waa talaabo horey loo qaaday, ana UCID ahaan mawqifkayagu waxa uu ahaa in qolada halkaa tagta talaabo laga qaado, oo waliba iyagoo maqan la xukumo, hantidoodana lala wareego" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa soo jeediyay in aan la maxkamadayn markay soo noqdaane, iyaga oo maqan maxkamadu xukun kooda ka howlgasho oo la xukumo.

"In loo digo maaha oo la yidhaahdo maxkamad ayaa laydin saari doona, danbigii way ku jiraan, waa in maxkamad la saaraa, hantidooda lala wareegaa sidasan ku talin lahaa" ayuu yidhi Faysal.

Digreeto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland Arbacadii shalay, ayaa lagu sheegay in hada kadib, aan la cafin doonin qokii wax ku darsada siyaasada dowlada Soomaaliya ilaa maxkamadi xukunto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online.
[email protected]