7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Shir looga hadlaayay sidii dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd Amniga dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir looga hadlaayay hawlgalinta guddiga hoggaaminaya qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula wareegeyso amaanka dalka ( STP SSC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay xiritaanka Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC).

Shirkaan oo labo maalmood socday ayaa waxaa maanta ka qayb galay Xubno ka socday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiisyada Sar sare ee dowladda, iyo xubno kale oo ka socdey hay’adaha qaabilsan amniga dalka ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo xubno matalayey Beesha Caalamka oo lagu martiqaaday xiritaanka shirka.

Shirka waxaa looga hadlaayay oo diirada lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd masuuliyadda sugitaanka amaanka Dalka, waxaana sidoo kale qiimayn lagu samaynayey wajigii koowaad ee qorshaha amniga Soomaaliya (STP) iyo dardar gelinka wejiga xiga ee qorshahan. Islamar ahaantaan waxaa la isla meel dhigay iney si dhameystiran ula wareegto amniga dalka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Manaasabadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay mudnaanta ugu sarraysa siinayso, hirgelinta iyo dhammaystirka qorshaha ay kula wareegeyso amaanka guud ee dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]