7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Miisaaniyada xukuumada Somaliland oo korodhay %17 sannadkan
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee sannadka 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon  shilin, waxayna korodhay %17 marka loo eego tii sannadkan 2021.

Miisaaniyada dowlada dhexe ayaa korodhay %11, ta dowladaha hoose ayaa korodhay %44, ta hay'addaha madaxabannan ayaa korodhay %12, ta macaawinooyinka dibada ayaa korodhay, %41, isla markaana ciidamada ayaa mushaarkooda  boqolkiiba %20 la kordhiyay.

"Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka waxa lagaga shaqayn doona, Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, xakamaynta sicir-bararka, Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka, xoojinta amniga, qabashada iyo soo saarista biyaha, Ku-talogalka abaaraha, xoojinta keydka qaranka, kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada, dhiirrigelinta wax soo saarka, deegaanka,  xoojinta ictiraaf raadinta" ayaa lagu yidhi warbixin laga soo saaray ansixinta.

Munaasibada ansixinta miisaaniyada ayaa waxa fadhiyay 30 wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland, waxaa ka aamusay hal wasiir, manay jirin cid diiday.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]