7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun toogasho ah ku riday askari ka tirsan ciidan Nabadsugida Qaranka
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday askari ka tirsan ciidanka Nabadsugida Qaranka ee ka howlgala degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo, kaasoo la sheegay inuu si ula kac ah u dilay laba dhalinyaro ah.

Askariga xukunka Maxkamada ay ku riday oo lagu magacaabo Maxamed Cali Xuseen ayaa la sheegay inuu dhawaan garoon lagu cayaaro Kubadda cagta oo ku yaala degmada Baledxaawo inuu ku dilay laba wiil oo dhalinyaro aheyd oo daawanaayay ciyaar ka socotay garoon ku yaala degmadaasi.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad Maxamed Aamiin Cabdulle ayaa ku dhawaaqay in xukun dil toogasho ah ay Maxkamada ku riday Maxamed Cali Xuseen oo horay u dilay marxuumiinta kala ah Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake Cabdullaahi.

Askariga xukunka dilka toogashada ah lagu xukumay ayaa la sheegay inuu rasaas si bareer ah ugu furay garoon lagu cayaarayay kubadda cagta isagoo saaran mooto bajaaj waxaana rasaastii uu riday ku geeriyooday labada wiil ee dhalinyarada aheyd, isna ugu dambeyn maanta ayay maxkamada ciidamada Qalabka sida ku riday xukun dil toogasho ah oo aanan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono maadama horay askar badan oo dilal noocaan oo kale geystay in xukun lagu riday hadana aanan lagu fulin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]