7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Wasaaradda gargaarka Soomaaliya oo iska fogaysay in ay shaqada ka eriday shaqaale katirsanaa wasaaradda gargaarka
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedayn loo jeediyay oo ku saabsanayd in wasiirka gargaarka ay shaqada ka eriday 16 shaqaale ah oo boosaskoodii cid kale lagu bedeshay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu beeniyay eedayntaas, waxayna wasaaraddu sharci darro ku tilmaamtay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, oo lagu sheegay in wasiir Khadiijo, dad beesheeda katirsan ay ku buuxisay boosaskii laga eryay shaqaalaha kale.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aanu jirin shaqaale ku beel ah wasiirka gargaarka oo hadda ka shaqeeya wasaaradda, iyadoo sheegtay in ay baaritaan ku sameynayso cidda ka faafisay warka eedaynta ah.

Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo kamid ahaa shaqaalaha sheegay in shaqada laga saaray, isla markaana BBC Somali ka eedeeyay wasiirka gargaarka, ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ahaa shaqaale kumeel gaar ah, kaasoo 7 bil  ka hor ku laabtay magaalada Garowe. 


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]