7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Soomaaliya oo weli safka hore kaga jirta dalalka ugu maasuq maasuqa badan adduunka
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Sannad kasta, sagaalka bisha 12-aad, ayuu adduunka u dabaal dagaa la dagaalanka musuq maasuqa, tan iyo markii la ansixiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa 31 Oktoobar 2003.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii march ee sannadkan sameysay guddi madax bannaan oo qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa, hase yeeshee weli guddigaas si fiican uma howlgalin.

Balse taas Soomaaliya kama saarin liiska ugu sarreeya dalalka ugu musuq maasuqa badan adduunka, waxayna sannadkaan mar kale kasoo muuqatay liiska dalalka sameeya musuq maasuqa ugu badan dunida.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada ay soo saartay hay'adda Transparency International, ee qaabilsan la socodka musuq maasuqa, waxay sheegtay in Soomaaliya musuqmaasuqa uu kor u kacday.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka hortagto musuq maasuqa, wuxuuna dowladda ku dhiirri galiyay ku biiristeeda dhowaan axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,”

"Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay'adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ," ayuu yiri Swan.

Guud ahaan caalamka, Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa laga xusayaa 9-ka Diseembar iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]