7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 9 , 2021
Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo Xalay Howlgal dad badan lagu soo qaqabtay ka sameeyay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, December, 9, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlaglo qaatay saacado badan waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ay ciidanka ka sameeyeen xaafadaha degmada Kaaraan ayaa la sheegay in lagu soo qaqabtay dad u badan dhalinyaro oo ay ku jireen burcad burcad hubeysan oo la sheegay in xiliyada habeenkii ah ay dhac u geystaan dadka shacabka iyo ciyaal la sheegay iney ahayeen kuwa habeenkii weereeya guryaha kuwaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen dadka degan degmada Kaaraan.

Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Salaad Caraale oo hoggaaminaayay ciidanka xalay howlgalka ka fuliyay xaafadaha Kaaraan ayaa sheegay in dadkii ay howlgalka kuso qaqabteen ay isugu geeyeen goob barxad, islamarkaana lasii daayay qaar ka mid aheyd dhalinyarada oo dambi lagu waayay.

Taliska ciidanka Booliiska degmada Kaaraan ayaa sidoo kale sheegay u jeedka howlgalkooda inuu ahaa xaqiijinta amaanka degmada oo mudooyinkii dambe kusoo kordhayeen falalka amaan darada ah ee lagu dilayay dadka aanan waxba galabsan, isagoona intaa raaciyay iney sii wadi doonaan howlagalada noocaan oo kale ah.

Booliiska Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay waxay inta badan magaalada Muqdisho ka sameynayeen howlgalo ay sheegeen iney kaga hortagayaan falalka amaan darro ee kuso siyaadayay mudooyinkii dambe magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]