7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 8 , 2021
Shir looga hadlaayo sidii dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd Amaanka dalka oo Muqdisho ka furmay
 

Arbaco, December, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir lagu howlgalinaayo guddiga hoggaaminaya qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula wareegeyso Amniga dalka (STP SSC) maadaama waqtiga ciidanka AMISOM uu ku egyahay bishaan December 2021.

Shirkaan lagu howlgalinaayay guddiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno ka kala socday Hay'addaha amniga dalka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Xafiisyada sarsare ee dalka, waxaana diiradda lagu saaraya sidii Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi laheyd sugitaanka masuuliyadda amniga dalka.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse oo hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa guddiga kula dardaarmay masuuliyadda qaran, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada guddiga laga sugaayo iyo waliba qorshayaasha horyaala.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale in aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid.

Masuuliyiintii kala duwaneyd ee ka hadashay shirka ayaa dhamaantood waxay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegeyso sugitaanka amniga qarankeeda.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si cad iskaga diiday qorshe howleed uu soo diyaariyay guddiga amniga iyo Nabada Midowga Afrika oo lagu kordhinayay mudada ay dalka Soomaaliya kasii howlgalayaan ciidanka Midowga Afrika.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]