7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 8 , 2021
Kenya iyo Qaramada Midoobay oo kulan ka yeelanaya waqtiga kama dambaysta ah ee Kenya ay ku xirayso xeryaha Kakuma, iyo Dhadhaab

Arbaco, December, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya si ay uga wadahadlaan waqtiga kama dambaysta ah ee Kenya ay ku xirayso xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab.

Dowladda Kenya ayaa qorshaynaysa in xilliga kama dambaysta ah ee ay xirayso xeryaha qaxootiga ay noqon doonto  Juun 2022. QM ayaase wado dadaallo ku aadan in qaxootiga sii joogaan xeryahooda.

Tani waxay imaanaysaa iyadoo hay’adda  dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF, warbixin cusub oo shalay ay soo saartay ay kaga digayso in ku riixida qaxootiga inay ku laabtaan Soomaaliya aysan ahayn mid keenta xal waara.

Warbixintu waxa ay xustay in xidhitaanka xeryaha qaxootiga ay horseedi karto dhibaato cusub oo barakac ah maadaama ay gabi ahaanba ku qasbi doonto hay’adaha samafalka in ay ka baxaan gobolka sababo la xidhiidha dhaqaale la’aan taasina ay keeni doonto in dhaqaalaha xerada uu burburo.

"Xiritaanka xeryaha qaxootiga ee la qorsheeyay bisha Juun 2022 waa inay noqotaa fursad lagu dardargelinayo geeddi-socodka xal-u-helidda qaxootiga," ayay tiri Dana Krause, oo ah madaxa MSF ee Kenya.

Bishii Juunyo, ee sannadkii hore, wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang'i ayaa ku dhawaaqay in la xirayo xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online