7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 8 , 2021
Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka sare ee Doorashada Gobolada Waqooyi oo sii xoogeysanaya
 

Arbaco, December, 8, 2021 (HOL) - Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya dhinacyada guddoonka sare ee doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, kadib qoraalo kala duwan oo dhinacyada soo saareen saacadahii la soo dhaafay.

War qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashada Soomaaliland Cabdishakuur Abiib Xayir ayuu ku sheegay in laga been abuurtay oo uusan wax shaqo ah ku laheyn qoraal uu sheegay iney soo saareen xubno ka tirsan guddiga doorashada Soomaaliland.

Guddoomiye Abiib ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inuusan aheyn guddoomiye kuxigeen koox gaar ah, islamarkaana loo baahan yahay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeyo guddiga oo aanan lagu dhex milin howlaha siyaasiga.

Xubnaha guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo ka kala socda labada garab ee kala hoggaaninayeen Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa markale waxaa muuqaneysa iney ku loolamaya arimaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]