4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Isimada Puntland oo soo saaray go'aan lagusoo afjarayo khilaafka madaxweyne Deni iyo agaasimihii PSF
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Isimada Puntland ayaa soo saaray go'aan lagusoo afjarayo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF.

Isimada ayaa go'aamiyay inay dhaqan gasho xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii PSF, waxayna go'aamiyeen in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay.

Isimada Puntland ayaa dhinaca kale agaasimihii hore ee PSF u xukumay in lasiiyo hubka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddanka PSF.

Lama oga in go'aankaan ay aqbalidoonaan madaxweyne Deni iyo PSF, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Boosaaso ay weli ka jirto xiisad ka dhalatay xil ka qaadista taliskii hore ee PSF.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online