4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Labo carruur ah oo si arxan darro ah loogu dilay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Labo carruur ah oo walaalo ah oo ka yar toban sano jir,  ayaa xalay lagu dilay xero barakacayaaal oo kutaala deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Carruurtaan ayaa dilkooda loo adeegsaday Ceejo ama sirqin, illaa ay ka geeriyoodaan, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadweynaha xaafadda Garasbaaley oo uu falkan argagax wey ka muujiyay.

Hooyada dhashay carruurtaan ayaa sheegtay in carruurteeda ka hor inta aan la dilin in ay meherad ku dhow guriga uga dirsatay adeeg, kadibna waxay sheegtay in ay muuqooda weyday, saacaddo kadibna loo sheegay geeridooda.

"Illaa xalay waxaan raadinayay makarafoon aan ku naadiyo, Cashada way u karsanayd. Waxaan ku dhahay, hooyo orod dukaanka nooga soo gada maraq jubba iyo yaanyo shiishiid. Cabaar kadib Iirida bannaankeeda ayaa adeeggii la isoo dhigay, waxaan u maleynayay in ay ilmuhu dibadda ku cayaarayeen, ismana lahayn ilmahaaga ayaa la dhibaataynayaa" ayay tiri Nasteexo Ibraahim Nuur oo ah hooyada dhashay carruurta la dilay.

Booliiska Soomaaliya ayaa xiray ilmaha adeerkood oo hooyadood qabay iyo hooyada lafteeda, waxaana ku socda baaritaan ku saabsan in ay lug ku leeyihiin dilka carruurta, sida uu sheegay afhayeenka booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka booliiska, Gashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay kiiskaan in uusan ka marnayn qoyska carruurta dhalay. Wuxuu kaloo sheegay in dad katirsan xaafadda Garasbaaley su'aallo laga weydiiyay kiiskan.

“Waxa meesha ka dhacay, wax la arki karo ma ahayn, waana sababta nagu kaliftay inaan soo xirno hooyada iyo ilmaha adeerkooda. Waxay qeyb ka yihiin dhacdooyin carruurta lagu dilayo oo Muqdisho kusoo badanaya, waxaana sameyndoonaa  tallaabooyin wax looga qabanayo,” ayuu yiri afhayeenku.

Afhayeenku wuxuu sheegay in carruurta la ceejiyay kadibna afka ciid looga guray, si ay neefta ugu dhegto, wuxuuna sheegay in aad uga gubteen falkaan foosha xun ee lagula kacay carruurta sebiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online