4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Xildhibaan Guruuje: Xukuumadu dhagaha ayay ka furaysatay xaalada sicir bararka
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Xildhibaan Axmed Nuur (Guruuje) oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay iska dhaga tirayso sicir bararka dhibaatada ku haya shacabka Somaliland.

"Inaga waxad moodaa in dhaha laga furaystay, xaaladan sicir barar ee inagu sii laban laabmaysa, ee inagu sii afar laabmaysa, waxan leeyahay xukuumada meel aad inadhaha ka qarsataan ma joogto" ayuu yidhi Guruuje.

Guruuje ayaa xukuumada ugu baaqay in ay fadhiga ka kacdo oo ay siyaasad cusub oo ganacsiga lagu hagayo la timaado, si maciishada loo jabiyo.

"Fadhiga ka kaca oo siyaasadiina ku saabsan ganacsigana wax ka badala, oo shirkadaha balaadhiya oo shidaalka, ooda ka qaada, oo yaan la odha shirkad kaliya ayaa saamaynaysa in shidaalku inagu kaco" ayuu yidhi.

Golaha wakiilada ee Somaliland iyo bulshada rayid ka ah ayaa tan iyo shalay qayladhaan ku saabsan sicir bararka baraha bulshada marinayay kadib markii la arkay ganacsatada roodhida (rootiga) oo isku dhaarsanaya in ay kordhiyaan qiimaha roodhida.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]