4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Getachew Reda " Ma jirin ciidan abaabulan oo magaalooyinkaas naga xoreeyey "
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda oo ka jawaab celinayay guulihii u dambeeyay ee ay dowladdu sheegatay, una dambaysay guushii laga gaaray magaalooyinka Dessei, Kombolcha iyo Baati, ayaa sheegay inaysan jirin ciidan abaabulan oo magaalooyinkaas ka xoreeyay iyaga, balse ay iyagu oo TPLF ahi ay iskaga baxeen.

"Waxaan ka baxnay Waqooyiga Shoa, Kombolcha iyo Dessie, taas oo qayb ka ah qorshahayaga, Ma jirin unug ciidan ah oo abaabulan, oo magaalooyinkaas naga xoreeyey, dadka deegaankaas iyo Janaraal Abiyi waa ogyihiin, Si kastaba ha ahaatee arrimuhu waxay ku socdaan sidii qorshahayagu ahaa” ayuu yidhi Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda oo bartiisa Facebook soo dhigay farriin gaaban.

Geesta kale Hoggaamiyaha kooxda TPLF Debresion Gebre Mickael oo horey waraysi u bixiyay ayaa geestiisa waxa uu sheegay inay ciidamadiisu iska caabin doonaan waxa uu ku tilmaamay ciidamada cadowga, isagoo xusay inay sii wadayaan dagaalka ilaa ay xukunka ka tuurayaan waxa uu ku tilmaamay cadowga.

TPLF ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka muuqday inay luminayeen magaalooyin muhiim ahaa oo gacantooda ku jiray, kuwaas oo ay xoogga saarayeen xilligii ay qabsanayeen, balse hadda maalinba maalinka xigta gacantooda kasii baxaya, iyagoo arrintana ku tilmaamay xeelad dagaal iyo qorshe iyaga u gaar ah.
 
Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waxay sheegatay inay guulo la taaban karo ka gaartay dagaalkan, iyagoo magaalooyin muhiim ah ka qabsaday kooxda TPLF, waxayna dowladdu sheegtay inay sii wadayaan duullaanka, ilaa TPLF laga saarayo magaalooyinka ay haystaan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]