4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
TPLF oo mar kale ay gacanteeda ka baxeen magaalooyin muhiim ah

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Sida ay goor dhawayd shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dowladda ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalooyinka waawayn ee kala ah Dessei, Kombolcha iyo Baati.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan magaalooyin kale oo horey ugu jiray gacanta TPLF, ay hadda la wareegeen ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dowlad degaanka Axmaarada.

Dawlada ayaa horey wacad ugu martay inay sii wadayso duullaankeeda ka dhanka ah kooxda TPLF, isla markaana ka xoraynayso TPLF magaalooyinka yar ee wali ku hadhay gacanta TPLF.

La wareegidda magaalooyinkan dambe ee ay dowladdu lawareegtay, ayaa ka dhigan in intii badnayd magaalooyinkii ay horey u haysteen kooxda TPLF ay gacantooda ka baxeen, iyadoo dagaalkuna u eg yahay mid lagu kala baxay, marka loo eego magaalooyinkan muhiimka ah ee ay TPLF lumiyeen.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]